sonnanews

Max’ed Dhere Oo Baaq Ka Soo Saaray Beelaha Kudagalamaya Xaafadda Barmuuda - Saturday, April 03, 2004 at 13:21 Jowhar (AllPuntland)- Gudoomiyaha Abaabul Qarameedka Soomaaliyeed ahna Gudoomiyaha Guddiga Siyaasada Maamulka Sh/Dhexe Md. Maxamed Cumar Xabeeb “Maxamed Dheere” ayaa baaq nabadeed u jeediyay dhinacyada ku dagaalamaya xaafada Bermuuda ee magaalada muqdisho. Gudoomiyaha ayaa sheegay in aanan waqti xaadirkan loo baahneyn dagaalo ahli ah oo ay dad ku waxyeeloobaan, waxuuna sheegay in laga gudbay waqtigii dadku ay dagaalada u bir tuman jireen, iyadoo buu yirri xaafadaasi ay tahay xaafadaha ay sida weyn u saameeyeen dagaaladii muqdisho ka dhacay sanandkii 1991-kii. Maxa,ed dheere waxuu sheegay in dhinacyada ku dagaalamaya xaafada Bermuuda loo baahanyahay in ay si sharuud la,aan ah u joojiyaan colaadaha dadku ku dhimanayaan ee ka socda halkaasi, labada dhinacna wada hadal wax ku xaliyaan. Abshir Cali Gabre AllpuntlandK/Soomaaliya Powered by AllPuntland.com Copyright ©AllPuntland.com


puntland

galkayo news


ali

somalia weyn

galkayo